Home Wararka Maanta Khilaafka ka taagan Masaajidka Towfiq ee Dalka Norway oo xoogeestay

Khilaafka ka taagan Masaajidka Towfiq ee Dalka Norway oo xoogeestay

1

Sida NRK faahfaahisay, dhowr sano oo khilaaf ah ayaa u dhexeeya Gudiyo kaladuwan ee ka tirsan masaajidka ‘towfiq. Khilaafka ayaana cirka isku shareeray Axadii, markii booliska roondada sameeya uu gaaray masaajidka ku yaal Greenland, Oslo halkaasi oo foodo ka dhacday.

Madaxa masjidka iyo gudoomiye ku xigeenka gudiga ku meel gaarka ah, Hakim Ismail, ayaa u sheegay NRK in tani ay ku dhowdahay inqilaab ay sameeyeen xubno aan ku qancin doorashada dhawaan dhacday taasi oo salka ku heysa khilaafka taagan.

– Kooxda kale ee khilaafka wada waxay fariin u direen Brønnøysund, iyagoo sheegay inay yihiin guddiga, taasi waa khalad, ayuu yidhi Ismaaciil.

Wuxuu intaasi ku daray ” tani waxay ku saabsan tahay halgan awood. Waxay rabaan inay maamulaan masaajidka, wax kale maahan, ayuu yiri Ismaaciil.

Maamulka masaajidka ayaa sheegay in ay qabteen doorashao sanadle taasi oo dhacday sanadkii la soo dhaafay qaab dimoqraadi ah oo aysan jirin wax diidmo ah. Waxaa la doortay guddi waxaana la qabtaa doorashooyin sanadle ah, sida ay dhigayaan qodobbada ururka.

Masaajidka, ayaa leh in ka badan 7837 xubnood. Bulshada waxaa laga qaaddaa ku dhawaad ​​1000 karoon sanadki lacagtaasi kala badh waxaa bixiya gobolka iyo halka kalabar degmada laga helo xubnaha ka diiwaangashan. Taas macnaheedu ayaa ah inmasaajidkaan uu helo qiyaastii. NOK 7.8 milyan oo kaalmo dowladeed sanadkii.

Tawfiiq waa masjidka ugu weyn Norwey. Jaaliyadaha Islaamka ee Bosnia iyo Herzegovina waxay leeyihiin in kabadan 9,000 xubnood, lakin somalida ayaa gacanta ku heysa

Lacagta ayaa laga joojiyay bishii Juun

Lacagtan ayaa laga joojiyay sanadkan sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Oslo iyo Viken oo u  xaqiijiyay NRK lacagta ayaa la joojiyay bishii Juun, khilaaf awgeed.

Somaliska Oslo

Xigasho/NRK

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here