Home Wararka Maanta Xukun lagu riday nin xaaskiisa ka caawiyay in ay dhimato

Xukun lagu riday nin xaaskiisa ka caawiyay in ay dhimato

0

nin ku nool Gobolka Västernorrland ayaa lagu xukumay hal sano iyo bar oo xabsi ah. Kaasi oo lagu eedeeyay dilka naagtiisa uu ka caawiyay.

Ninkan ayaa ku jira da’da 60 sano jir. Wuxuu qirtay inuu xaaskiisa siiyay da’wada xanuunka maskaxda yareysa ee morfin oo tiro badan. Laakiin wuxuu sheegay in uusan isagu wax danbi ah gelin.

Xaaskiisa ayaa dhowr sano xanuunsanaysay.
Dhowr jeer ayay sheegtay in aysan rabin inay sii noolaato. ninkeeda ayaana ugu danbeen
siiyay dawada morphine-ka taasi oo sababta in ay nafteeda disho.

Qareenka ninka ayaa doonayay in ninka la sii daayo. Garyaqaanka ayaa qaba in Sweden
u baahan tahay sharci cusub markii dadka aadka u jirani aysan rabin inay sii noolaadaan.

– Ninku wuu ka caawiyay sidii ay u dhimatay.
Waa inaan la xukumin, ayuu yidhi.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here