Home Wararka Maanta Qodobadee ugu Muhiimsanaa Dooda Xisbiyada Barlamaanka ee Maanta

Qodobadee ugu Muhiimsanaa Dooda Xisbiyada Barlamaanka ee Maanta

0

Dooda hoggaamiyayaasha xisbiyadda ee maanta lagu ballansanaa, ayaa ka dhacday baarlamanka, iyada oo sida uu horay u sheegay hoggaamiyaha xisbiga SD uu soo jeediyay in codka kalsoonida loo qaado wasiirka caddaalada iyo socdaalka Morgan Johansson.

Ã…kesson ayaa sheegay in Morgan Johansson uusan qaban howsha loo igmaday, lana gaaray xadka lagu aqbalo guuldaradda wasiirka isaga oo intaasi raaciyay in wasiirka uusan u qalmin taageeradda baarlamanka dalka.

Hase yeeshee ra’iisal wasaare Stefan Löfven ayaa dhankiisa sheegay in uu ku kalsoon yahay wasiirkiisa caddaalada uuna heysto taageeradiisa oo buuxda maadaama buu yiri inta Morgan Johansson uu xilka hayo aad loo adkeeyay ciqaabta sharciyada dambiyada lana soo diyaariyay qoddobo badan oo wax looga qabanayo arrimaha ammaan darida ee kooxaha abaabulan.

Dhanka kale, inta ay dooda socotay ayay hoggaamiyayaasha xisbiyada waxay soo hadal qaadeen habka mushaharka ugu yar ee lagu shaqeyn karo oo ah dood salka ku heysa xeerarka midowga Yurub, hase yeeshee ra’iisal wasaare Stefan Löfven ayaa sheegay in marna aysan dhici doonin in wareegto ka soo baxdfa midowga Yurub in ay saammeeyn ku yeelato habka jaangoynta mushaharka ee Sweden, isaga oo carabka ku dhuftay in habka mushaharka Sweden uu yahay kan ugu wanaagsan caalamka.

Qoddobada la xiriira midowga ee doodii saakay ka soo dhex muuqday ayaawaxaa kale oo ka mid ahaa suuragalnimada in ay kororto qarashka khidmada ee Sweden bixiso ee midowga Yurub waa haddii Ingiriiska ka baxo midowga.

Xisbiyada KD iyo Vänsterpartiet ayaa sheegay in taasi ay tahay wax aan sina lagu aqbali karin.

Jonas Sjöstedt, hoggaamiyaha Vänster ka ayaa sheegay in uusan amini karin dowladda oo ay dhici karto in qarashkaasi uu si xooggan u kordho isaga oo sheegay in lacagta halkaasi aadeysa ee cnashuur bixiyayaasha dhiibeen tahay mid Sweden looga baahan yahay.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here