Home News in English Xisbiga KD oo soo bandhigay Sharciyo Cusub oo Ku aadan Qoysaska Leesku...

Xisbiga KD oo soo bandhigay Sharciyo Cusub oo Ku aadan Qoysaska Leesku keeno

0

Xisbiga Dimuqraadiga masiixiga ee KD ayaa doonaya in ay yaraadaan Dadka magangalyada dalka Sweden u imaanaya boqolkiiba 70.

Xisbigu wuxuu kaloo doonayaa sharci adag oo loogu talagalay dhammaan soogalootiga.

Qof kasta oo loo oggol yahay inuu ku noolaado Iswidhan waa inuu muujiyaa inuu awood u leeyahay inuu bixiyo lacagta qoyska uu  doonayo inay Sweden yimaadaan. Xisbiga Dimuqraadiga ah ee masiixiyiinta ah ayaa raba in sharcigaas sidoo kale lagu dabaqo dhalinyarada da’doodu ka yar tahay 18 sano ee doonaya in loo keeno waalidkooda.

Xisbiga ayaa aaminsan in qaanuunkan uu hoos u dhigi karo soo galooti soo galaya Dalka Iswidhan.

Wuxuu ahaa kulan weyn oo isbuucan
xisbiga Dimuqraadiga masiixiga ee KD uu
ugu codeeyay Qorshahaasi.

Hogaamiyaha xisbiga Ebba Busch Thor
ayaa ka hadashay sharciga waxayna tiri 

“Waa inaan tusno inaan
go’aan ka gaari karno waxyaabaha adag”

Xisbigu wuxuu kaloo doonayaa in
soogalootigu ku guuleestaan imtixaanka luuqadda iswiidhishka si ay u sii joogaan Sweden waqti dheer.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here