Home Wararka Maanta Waqtiga lagu galo Da’da Hawl gabka oo la kordhinayo

Waqtiga lagu galo Da’da Hawl gabka oo la kordhinayo

0

Waxaa maanta oo arbaco ah la filayaa in baarlamanka uu meel mariyo sharci kordhinaya da’da lagu galo hawlgabka.

Sida uu qorayo  hindisaha sharciga ee baarlamanku u codeeynayo, da’da ugu hooseeysa ee hawlgabka caadiga ah lagu geli kari doono ayaa sannadka soo socda noqon doonta 62 sanadoodo, halka ay ka ahayd 61 sannadood.

Waxaa sidoo kale iyana kordheysa inta qofku uu xaqa u leeyahay in uu sii wato shaqadiisa iyada oo la gaarsiinayo 68 sano halka ay iminka ka tahay 67.

Sida uu qorayo hindise sharciyeedkan, waxaa si isku xig xigta u sii kordhi doonta da’da ugu hooseeysa ee lagu qaato lacagta hawlgabka iyada oo sannadka 2026, la gaarsiin doono 64 sano, iyada oo xaqa uu qofku ku sii wadan karo shaqadiisana la gaarsiin doono 69 sano.

Haddaba sharciga kordhinta da’da ugu hooseeysa ee lagu geli karo hawlgab ayaa sannadka 2020 noqon doonta sidan:

Qofkii dhashay 1959 amar1960 ayaa lacagta hawlgabka da’da ugu horreysa uu ku qaadan kara ay noqonaysaa 62 jir marka uu buuxiyo. Ruuxii dhashay 1961 iyo 1962 ayaa waxaa suuragal ah in 63 jir uu ku qaadan karo xilliga ugu horreeya ee hawlgabka halka cidii ka dambeysa sanadahaasi ku geli doonto hawlgabka ugu horreeya 64 sano.

Hase yeeshee sharcigan waxuusan qabaneen dadka dhashay 1958 ama waxii ka horreeyay.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here