Home News in English Sweden oo kasoo horjeesatay Qeybsiga Qaxootiga Yurub soo gaara

Sweden oo kasoo horjeesatay Qeybsiga Qaxootiga Yurub soo gaara

0

Muddo iminka laba toddobaad laga joogo ayey waddammada afarta ah ee Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Malta heshiis ku meel gaar ah ku wada gaareen sidii la isaga caawin lahaa qaabilaadda qaxootiga Yurub ka soo gala badda badda mediteriyaanka (badda Dhexe).

Wuxuu ahaa heshiis albaabbada u furay dekedo horey uga xirnaa soo galootiga.

Iyadoona ay dawladda Sweden ku dhawaaqday in aaney gacan ka siin doonin heshiiskaa ku meel gaarka ah ee qaabilaadda qaxootiga laga soo badbaadiyo badda Dhexe. Middaasina ugu wacan tahay inuu dalkani horey u qaabiley saamigiisii, sida uu sheegay wasiirka socdaalka Sweden Morgan Johansson.

– Sweden marka laga hadleyo waxaan oran karaa in aannu shantii sannadood ee ugu dambeeyey aannu qaabilney tiradii ugu badnayd waddammada EU-da xubnaha ka ah. Xaaladdan ma nihin ciddii safka ugu horreeyn lahayd, waddammo kale ayaa jira oo nagaga habboon, sida uu sheegay, mar uu warreeysi siiyay laanta wararka Ekot.

Weli ma cadda sida ey afartan waddan u qeybsan doonaan qaxootiga, iyaga oo dhanka kale ugu yeereya waddammada EU iney howshaa gacan kala geeystaan . Iyadoona arrinkan maanta looga doodi doono kulan wasiirrada socdaalka EU-du uga furmi doona magaalada Luksemburg.

Waddammada badankood, ayaa soo dhoweeyey heshiiska afarta waddan dhex marey, hase yeeshee in yar ayaa sheegtay iney diyaar u yihiin sidii ey uga qeyb qaadan lahaayeen.

Dalka Danmark ayaa isaguna bixiyay jawaab la mid ah midda uu bixiyay wasiirka socdaalka Sweden. Wasiirka soo galootiga iyo is dhex galka ee Danmark Mattias Tesfaye ayaa sheegay mar uu la hadlay wakaaladda wararka Ritzau in dalka Danmark aannu diyaar u ahayn inuu ka qayb qaato, wuxuu intaa raaciyay inuu aaminsan yahay heshiiskani inuu hor seedi doono in qaxooti ka badan isku deyi doonaan sidii ey Yurub ku soo gaari lahaayeen.

Heshiiska dhex maray afarta waddan ayaa loogu talo galey inuu socon doono ugu yaraan muddo lix bilood ah, hase yeeshee la kordhin kari doono. Rajada laga qabaana waxay tahay in waddammada EU muddadaasi ey tallaabo horey ugu sii qaadaan wada hadallada u dhexeeya, iyo sidii xal waara looga gaari lahaa arrinkan, isla markaana uu waddan waliba masuuliyaddiisa uu dusha u saaran lahaa.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here