Home News in English Shirka Qaxootiga Aduunka oo ka furmay Caasimada Switzerland

Shirka Qaxootiga Aduunka oo ka furmay Caasimada Switzerland

0

Shirka 70-aad ee hay’adda qaxootiga adduunka ayaa maanta ka furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland waxaana ka qeyb-galaya wafuud heer caalami ah.

Shirka ayaa sanadkaan waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha qaxootiga iyo dhibaatooyinka heysta dadka barakacay sidii xal loogu heli lahaaa nolol cusubna loogu sameyn lahaa.

Soomaaliya ayaa waxaa shirka ku matalaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxaana la filayaa in madashaasi ay khudbad ka jeediyaan wafdiga ka socda Soomaaliya.

Hay’adda qaxootiga adduunka ayaa sheegtay in dhibaatooyin xoog leh ay wajahayaan dadka qaxootiga ah ayna u sii dheertahay mustaqbal la’aan heysata jiilalka ku dhasha qaxootiga iyo sidoo kale Cafimaad daro.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here