Home News in English Xisbiyada Sweden oo dhaleeceeyay Siyaasada Xisbiga Moderaterna ee Qaxootiga Cusub

Xisbiyada Sweden oo dhaleeceeyay Siyaasada Xisbiga Moderaterna ee Qaxootiga Cusub

0

dhawaan xisbiga Moderaterna ayaa ka hadlay siyaasadiisa Cusub ee dhanka Qaabilaada Qaxootiga isagoo ku baaqay in hoos loo dhigo tirada Qaxootiga ee dalka qaabilayo.

Xisbiga ayaa soo bandhigay in boqolkiiba 70% hoos loo dhigo tirada qaxootiga ee dowlada qaadaneyso.

Go’anka Xisbiga waxaa dhaleeceeyay Xisbiyada Miljöpartiet iyo
Socialdemokraterna lakin waxaa taageeray Kristdemokraterna
iyo Sverigedemokraterna.

” go’an kama gaari karno tirada qaxootiga aan qaabileeno taasi waxay ku xirantahay waxa dunida ka dhaca ” Morgan Johansson oo ka tirsan Xisbigag S ayaa warbaahinta u sheegtay.

” Marka Dadka u baahinyihiin Difaacid Dowlada Sweden ma diidi karta taasi waa arin ween ” Rasmus oo ka tirsan Miljöpartiet ayaa sidaasi warbaahinta la wadaagtay.

Hadalka Xisbiyada ayaa ku soo aadeysa iyadoo warbaahinta gudaha aad looga hadal hayo siyaasada cusub ee Xisbiga Moderaterna.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here