Home News in English Denmark oo dib u soo celineysa Qaxootiga ay soo Qaadan jirtay

Denmark oo dib u soo celineysa Qaxootiga ay soo Qaadan jirtay

0

Dowlada Denmark ayaa Shaaca ka qaaday in ay dib u soo celineyso qaadashada Qaaxotiga Caalamka iyadoo dib ugu laabatay Safka dheer ee Wadamada Caalamka ugu jiraan UN-ka.

Qoraal kasoo baxay Dowlada Denmark ayaa loo diray Hay’ada Qaxootiga aduunka u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR taasi oo looga Codsaday in Denmark ay dib ugu laabaneyso Safka Qaxootiga ee Hay’ada.

Wasiirka Arimaha Dibada Iyo isdhexgalka Denmark Mattias Tesfaye ayaa warbaahinta u sheegay in Si Rasmi ah ugu dhawaaqeen sanadka 2019 ay Denmark qaadaneyso qaxootiga gaar ahaan kuwa qaba Baahiyaha goonida.

Dhanka kale qoraal kasoo baxay UNHCR qeybta Qaarada Yurub ayaa lagu soo dhaweeyay go’anka Dowlada Cusub ee Denmark ee ku aadan dhanka Qaxootiga.

Mudo dhoor sano ayaa kasoo wareegatay markii Denmark ay joojisay Qaxootiga ay kasoo qaadan jirtay Dibada lakin arintan ayaa fursad kale siin karta kuwa jooga Dalka ee Sharci la’anta heesa.

Somaliska Copenhegan

Xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here