Home Wararka Maanta Sweden Tirada Dadka u dhinta Maandooriyaha oo sii kordheysa

Sweden Tirada Dadka u dhinta Maandooriyaha oo sii kordheysa

0

Tirada ugu badan dadka u dhinta isticmaalka mukhaadaraaka ee Sweden ayaa la sheegayaa in ay aad uga sareyso marka loo eego wadamada kale Yurub, sida uu warbixin ku qoray wargeyska Svenska Dagbladet.

Sanadii 2017, ayaa la xiqiijiyay inay dhaceen ilaa 959 dhimasho oo lagu lifaaqayo maandooriye sida lagu soo bandhigay tirikoob uu sameysay urur u qaabilsan arimahaa midowga Yurub.

Tirada dadka u dhimanaya Sweden ayaa ah mid laba jibaarantay mudadii tobonkii sano ee ina dhaaftay.

Gabi ahaan, waa tiro aad u sareysa dadka u dhimanaya muqaadaraadka ee Sweden, waa inaan hoos u dhignaa, ayay si qoraal ah ku sheegtay wasiirada arimaha bulshada Lena Hallengren.

Hey’ada daryeelka caafimaadka ee Sweden ayaa tiradaasi u aragta in ay tahay mid halis ah.

– Dhan waxaa laga war helaa maadooyin ka badan kuwii hore. Daryeelka caafimaad ee muqaadaraadka ayaa laga yaabaa inaan loo helin sidii loogu baahnaa, muqaadaraadka oo suuqa ku soo batay iyo qiimahooda oo hoos u dhacay. Intaa waxaa dheer iyada oo hayadaha daryeelka caafimaad aaney heyn qaabab kala duwan ee daryeel.

Dhanka kale, Stewe Alm, oo ka howlgala laanta NOA ee ciidanka ammaanka (Howl-galka qeybta dibada) ayaa sheegay in dhanka booliiska laga doonayo in ay daraaseeyaan cida ka danbeysa kootarabaankaasi tirada sharci dara kor u qaadaya.

– Waxeynu xiisaynaynaa inaan isku dayno sidii aanu u diiwaan galin laheyn dambiilayaasha iyo kooxaha falalkaasi gadaal ka hagaya.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here