Home News in English Sharci Cusub Norway oo Faro ka qaadeysa Dadka Dacwad ahaanta lagu keeno...

Sharci Cusub Norway oo Faro ka qaadeysa Dadka Dacwad ahaanta lagu keeno Dalkeeda

0

Dowlada Norway ayaa Sharci ahaan hada la siman Wadamada kale ee Yurub kuwaasi oo dadka Dacwada lagu keeno Dalkooda ka qaado sawir oo kaliya.

Sharci Cusub oo dowlada keentay ayaa loo gudbiyay Barlamaanka Hindisaha ayaana dhigaya in Qofka lagu keeno Dacwad ahaan laga qaado Faro iyo Sawir si lamid ah kuwa Dalka Qaxooti ahaanta iskaga dhiiba.

Hadii Sharciga uu dhaqan galo waxay ka dhigantahay in Qofka uusan wadan kale iska dhiibi karin marka uu yimado Norway sababtoo ah waxaa kasoo baxaya Faraha Dalka Norway.

Dhanka kale Sharciga iyo Codsiga dowlada Waxaa ku jira in Faraha laga qaaday dadkaasi la keedinayo mudo ka badan inta loogu tala galay.

Sharcigan Cusub hadii Barlamaanka Aqbalo waxaa adkaaneysa sidii dadka dalkaasi lagu keenay dacwada ay iskaga dhiibi karaan Wadan kale.

F.G Sharciga wali lama ogolaan

Somaliska Oslo

Xigasho/Aftonposten

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here