Home News in English Sweden oo dib u celineysa Haweeney lugta uga go’day Weerarkii ka dhacay...

Sweden oo dib u celineysa Haweeney lugta uga go’day Weerarkii ka dhacay Caasimada Stockholm

0

Dowlada Sweden gaar ahaan laanta socdaalka ayaa dib u celineysa Haweeney kasoo jeeda Dalka Ukrain taasi oo sanadkii 2017 ku dhaawacantay weerar ka dhacay Wadada Drottninggatan ee Caasimada Stockholm.

Haweeneyda oo mid kamid ah Lugteeda ku wayday Weerarkaasi ayaa Rajeeneysay in loo ogolaado joogitaanka Sweden laakin go’anka laanta socdaalka Sweden kasoo baxay ayaa dhigaya in dib loogu celiyo dalkeeda.

Go’anka laanta Socdaalka kadib waxay codsi toos ah u gudbisay Dowlada lakin Dowlada kama yeelin codsigaasi kamana soo jawaabin jawaabaheeda.

Morgan Johansson oo ka tirsan Wasiirada Sweden ayaa warbaahinta u sheegtay in Sharciga uu iska cadyahay dowladana ay jawaab siin karto dadka ka yimaaday goobaha dhibaatada ka jirto oo kaliya.

go’aanada labada dhinac ayaa ka dhigan in Haweeneydan oo u dhalatay Dalka Ukrain laga Tarxiilidoono Dalka Sweden.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here