Home Wararka Maanta Götenborg Wiil dhalinyaro ah oo Xalay lagu dilay Toorey si Mobile-kisa looga...

Götenborg Wiil dhalinyaro ah oo Xalay lagu dilay Toorey si Mobile-kisa looga Qaato

0

Waa dhacdo ku cusub Caasimada Goteborg kadib markii Xalay wiil dhalinyaro ah lagu dhuftay Toorey kaasi oo Mobilekiisa laga qaatay markii lagu dhuftay tooreyda kadib.

Dhibaatada ayaa ka dhacday goob Maxado ah oo lagu Magacaabo Hjalmar Brantingsplatsen kuna taala Xaafda Hizingen halkaasi oo joogaan labo dhalinyaro ah oo jira da’da 18 sano jirada.

Thomas Fuxborg oo ka tirsan Booliska Magaalada ayaa warbaahinta u sharaxay dhibaatada ka dhacday goobta isagoo sheegay in goobta ugu tageen wiil 18 sano jir ah oo dhaawac ah kaasi oo u dhintay dhaawaca 2 saac kadib markii la dhigay isbitaalka.

Sxbka wiilka la dilay ayaa booliska siiyay tilmaamo taasi oo keentay in la qabto 3 qof oo mid tahay Haween kuwaasi oo looga shakisan yahay dilka loo geestay wiilkaasi dhalinyarada.

Somaliska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here