Home News in English Sweden Imaamyo lagu xukumay in Dalka laga Tarxiilo oo Racfaan Qaatay

Sweden Imaamyo lagu xukumay in Dalka laga Tarxiilo oo Racfaan Qaatay

0

Sadax imaam oo uu ciidanka nabadsugidda Sweden Säpo codsaday in dalka laga musaafirayo ayaa racfaan ka qaatay go’aanka musaafirinta.

Qareenka mid ka mida imaamada ayaa sheegay in maanta uu gudbinayo codsiga racfaanka ee imaamka uu wakiilka u yahay halka labada imaamee kale ay horey u gudbiyeen racfaankooda.

– Eedeymaha loo soo jeediyey imaamada ayaa ah wax mugdi ku jiro isla markaana ay adag tahay in la iska difaaco. Awoodda sharci dejinta ayaa awood aad u balaaran siisey ciidanka nabadsugidda ee Säpo, ayuu yiri Joakim Johansson, qareenka imaamka Västerås.

Säpo ayaa raggan imaamada oo ka howl-gala Umeå, Gävle iyo Västerås ku eedeysay iney qeyb ka geysteen koboca bey’adaha xagjirka.

Waxey aheyd gugii tagey markii la soo qabtay lix qofood iyadoo loo kaashanayo sharciga baaritaanka ajaanibta ”lagen om särskild utlänningskontroll” kaasoo Säpo awood u siinaya iney codsato in qof dalka laga musaafuriyo. Shan ka mida dadkaa la soo qabtay ayaa bilowgii bishii juun helay xukun ah in dalka laga musaafuriyo.

Shakhsiyaadka racfaanka ka qaatay go’aanka musaafurinta ayaa hortagaya maxkamadda sare ee socdaalka iyagoo kadibna go’aan ka heli doona dowladda.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here