Home News in English Qaxootiga Sweden ee doorta Magaalada ay ku Noolaanayaan oo hoos u dhacday

Qaxootiga Sweden ee doorta Magaalada ay ku Noolaanayaan oo hoos u dhacday

0

Sannadkii ugu dambeeyay ayey aad hoos ugu dhaceen tirada soo-galootiga doorta ama la yimaada deegaankii ey ku noolaan lahaayeen.

Wasiiradda suuqa shaqada iyo meeleeynta Ylva Johansson oo la hadleeysay laanta wararka Ekot ayaa sheegtay inay natiijadan ugu wacan tahay xeerkii degmooyinka ku khasbaayay iney khasab ku meeleeyaan saamiga qaxootiga ee kaga soo beegma, midkaasina oo hir-galay bishii maarso ee sannadkii tagay.

– Horay aad ayey u yaraayeen maadaama aaney jirin qaxooti degmooyinka loo diri jirey, falkaasina uu mutadawac ahaa maamulkii degmo ee doonaya inuu qaabilo soo-galooti. Waxaa dhici jirtay in degmooyin fara ku-tiris ahi ey falkaa ku tallaab-san jireen. Iminka waxaa waajib ah in degmooyinka oo dhami ey qaabilaan soo-galooti, middaasina oo macnaheedu tahay in degmooyin badan lagu wajaho soo galooti. Waana mid lagu farxo in arrinkaasi uu iminka yareeyay qaxootigii dooran jiray hooyga ay ku noolaanayaan, sida ay sheegtay wasiirad Ylva Johansson

Cabashooyin badan ayaa horay uga soo yeeri jirey demooyinkii qaabili jirey qaxootiga faraha badan tusaale ahaan degmooyinka Södertälje iyo Malmö, kuwaasina oo soo jeedin jirey in la baabi’iyo xeerka soo-galootiga u ogolaanaya inuu doorto goobtii uu ku noolaan lahaa. Iyadoona maamullada degmooyinkaasi ku andacoon jireen in doorashada xorta ahi u hor-seedeeyso iney dadyoow isku qowmiyad ah ku bataan xaafadaha qaarkood, middaasina oo yareenaysa is-dhex galka bulshada. Hase yeeshee siyaasiyiinta qaran ey hor yimaadeen soo jeedintaa, maadaama ay yareenayso xoriyadda dhaqdhaqaaqa.

Sannadkii 2015 oo ey dalka soo galeen tiro ballaaran ee qaxooti ayaa la hir-geliyey xeer degmooyinka ku waajibinaya iney qaxooti qaabilaan. Tallaabadaasina oo horseeday inay tiro ka badan intii hore ee soo-galooti ahi masuuliyadda hooygooda u daayaan degmooyinka ey hayadaha dawladdu ku casumaan iney degaan kolka ey helaan sharciga deggenaansho, halkii ey iyagu horay uga dooran jireen intii lagu guda jirey dalabaadkoodii magan-gelyo doon.

Sidaasi oo ay tahay ayay haddana weli tirada soo-galootiga ee hooygooda dalbadaa ka badan yihiin kuwa la meeleeyo oo bar hoos u dhacday balse ay tiradaasi kor u kacday iyadoona bishii abriil ee sannadka gaarsiisnayd 2 000, halkii ay horay uga ahaan jirtay dhowr boqol.

Ururka gobollada iyo degmooyinka ee magaciisa loo soo gaabiyo SKL oo ilaaliya xuquuqda degmooyinka wuxuu in muddo ahba ku taamayay in dawladdu wax ka qabato arrimmaha la xiriira deegaameeynta soo-galootiga. Iyadoona ay doorashada goobtii lagu noolaan lahaa ay horseedayso ciriiri lagu wada noolaado iyo ka faqooqnanta bulshada, sida uu sheegay ururka hoggaannada maamullada degmooyinka iyo gobollada SKL.

Madaxa waaxda dhaqaalaha ee ururka SKL Annika Wallenskog ayaa ku farax-san tiradan kor u kacday ee soo-galootiga dalka ku cusub ee doorta in lagu meeleeyo degmooyinka, halkii ay horay uga dooran jireen hooyga ay dalka ka degaan, waxa loo yaqaanno eget boende – ebo.

– Waa arrin wanaag-san. Waxay noola muuqataa inay tahay arrin wanaag-san in shakhsigu dego hooy u gaar ah. Maamullada degmooyinka ayaa si wanaag-san uga soo baxey howlaha qaabilaadda soo-galootiga dalka ku cusub. Inkastoo uu sharciguna kaalin ballaaran ka qaatay sidii cadaalad loogu qayb-san lahaa qaabilaadda qaxootiga. Waana arrin wanaag-san, sida ay sheegtay Annika Wallenskog.

Inkastuu is-bedel cusub yahay, haddana ma doonayso wasiirad Ylva Johansson inay ka hor-dhacdo guushan laga gaaray weli.

– Weli waxaa jira tiro badan oo qaxootiga dalka ku cusub ka mid ah ee iyagu doorta halka ey hooy ahaan u degi lahaayeen, haddaba guul waarta oo guud weli lagama gaarin howshaa, sida ay sheegtay Ylva Johansson, ahna wasiirka suuqa shaqada iyo meeleeynta.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here