Home News in English Migrationsverket Imaamka Masaajidka Gävle iyo wiilkiisa oo la tarxiilayo

Migrationsverket Imaamka Masaajidka Gävle iyo wiilkiisa oo la tarxiilayo

0

Sweden bilihii April iyo May waxaa la xiray ku dhawaad 6 Ruux kuwaasi oo lagu eedeeyay in dhibaato ku yihiim amaanka Dalka Sweden iyadoo laga qabtay meelo kala duwan oo dalka ah

Xubnaha lixda ah ee la qabtay waxaa ku jira Imaamka Magaalada Gävle kaasi oo lagu eedeeyay in Amaanka uu qatar ku yahay sida warbaahinta ay sheegeen.

Laanta Socdaalka Sweden Migrationsverket ayaa go’aamisay in dalka laga Masaafuriyo sadex Qof uu ku jiro Imaamka iyo wiil uu dhalay.

Ma cada nuuca Dambiga lagu soo oogay ninkaasi marka laga reebo amaanka uu qatar ku yahay.

Sida Sharciga ah Hay’ada Laanta Socdaalka Sweden ee Migrationsverket ayaa Awood u leh in ay Dalka ka ceyriso qof kasta oo amaanka dhibaato ku ah.

Ugu danbeyn imaamka ayaa xaq u leh in uu ka doodo go’an tarxiilida ee laanta socdaalka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here