Home Wararka Maanta Sweden oo Saraakiil Ciidan Boolis ah kasoo qaadaneysa Dalka Norway

Sweden oo Saraakiil Ciidan Boolis ah kasoo qaadaneysa Dalka Norway

0

Midowga booliiska Sweden ayaa xukuumadda dalka ugu baaqay in ay shaqaalaysiiso ciidamo booliis ah oo u dhashay dalka ay dariska yihiin ee Sweden si loola daggaalamo saraakiil la’aanta haysata dalkaas.

Midowga ayaa sheegaya in saraakiil ka badan 250 sarkaal oo reer Norway ah aanay wax shaqo ah ku haysan dalkooda, ayagoo tababaran oo shaqo u qalma.

Midowga booliiska Sweden ayaa soo jeediyey in ciidamadaas la siiyo koorso soo wareejin ah dabadeedna laga shaqaalaysiiyo dalka Sweden

Mas’uuliyiinta booliiska Sweden ayaa BBC-da u sheegay in aanay hayn qorshe ku aaddan in ay shaqo siiyaan saraakiil dibadaha lagusoo tababaray.

Ciidamada booliiska Sweden ayaa doonaya in sanadka 2024-ka ay shaqaalaysiiyaan 7,000 oo sarkaal oo cusub.

Si kastaba ha haatee, Anna Dennis, oo ah ku xigeenka madaxa Midowga booliiska Sweden, ayaa sheegaysa in ay jiraan meelo badan oo bannaan sababtuna waa Akaadeemiyadda booliiska Sweden oo guuldarraysatay.

Labo sano iyo bar ayuu tababar qaadanayaa qofka doonaya in uu sarkaal booliis ah ka noqdo dalka Sweden.

Qofka codsanayana in uu noqdo booliis ayaa la mariyaan imtixaan dhanka lixaadka ah, mid maskaxda ah iyo mid dhanka sharciyada ah, qofka ayaa sidoo kale looga baahan ayahay in uu haysto rukhsad darawalnimo, in uu dabaalan karo iyo in uu haysto dhalashada dalka Sweden.

Sweden ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa kusoo badanayey saraakiisha shaqada isaga tagaysa, tusaale ahaan sanadkii 2011 waxaa shaqada ciidanka ka tagay 612 qof halka sanad kii horena ay ka tageen 888 qof.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here