Home News in English Qaxootiga Sharci la’anta ah oo Fursad Sharci ku heli kara Tirada Qaxootiga...

Qaxootiga Sharci la’anta ah oo Fursad Sharci ku heli kara Tirada Qaxootiga iska dhiiba Sweden oo hoos u sii dhaceysa

1

Qaxootiga kasoo carara wadamada ay ka jiraan colaadaha iyo kuwa kale oo si shaqsiyan uga soo tagay dalalkooda ayaa iska dhiiba Dalka sweden hase yeeshee Sida ay sheegtay Laanta Socdaalka Sweden waxaa hoos u sii dhaceysa tirada Qaxootiga la filayo.

Migrationsverkerka ayaa sheegtay in Qaxootiga la filayo oo hoos u dhacday awgeed ay keentay in Dhaqaalaha loogu tala galay laanta socdaalka la dhimo sanadba sanadka ka danbeeya.

Sanadkan lacag gaareysa SEK 26 billion ayaa loogu tala galay in Qaxootiga loo isticmaalo lakin sanadka 2022 ayaa la filayaa in qayaas ahaan lacagtaasi ay gaarto SEK 15 billion taasi oo muujineysa qaxootiga la filayo oo hoos u sii dhaceysa.

dhanka kale Saadaasha laga bixiyay tirada Qaxootiga la filayo sanadkan ayaana waxba iska badalin waxana ay mareysaa 21,000 kun halka sanadka danbe la filayo ay dalka iska dhiibaan 22,000 kun oo qaxooti ah.

Qaxooti badan ayaa ku sugan dalka kuwaasi oo aan heysan wax sharci ah hase yeeshee waxaa loo arkaa in ay tani fursad u tahay in ay sharci ku helaan madama hoos u dhacday shaqooyinka laanta socaalka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Migrarionsverket

 

 

AD

1 COMMENT

  1. Ma muuqato inay wax iska bedelayaan wakht xaadirkan shuruucda adag ee lagu xakameeyay qaxoontiga inay wax ka bedelayaan yaraan shiiyaha qaxoontiga yaraaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here