Home Wararka Maanta Qiimaha Shidaalka Sweden oo Qaali noqday Dowlada oo wali xal ka gaarin

Qiimaha Shidaalka Sweden oo Qaali noqday Dowlada oo wali xal ka gaarin

0

Qiimaha Shidaalka Dalka Sweden ayaa saro u kacay waxana uu gaaray halkii ugu sareysay taasi oo keentay in banaan baxyo looga soo horjeesto arintaasi.

Qiimaha Shidaalka ayaa hada maraya 18 karoon halkii Litar halka markii hore uu ka hooseeyay waxana arintaasi kasoo horjeestay dad badan.

Dadka ugu badan ee kasoo horjeestay arintaasi ayaa ah kuwa ku nool baadiyaha kuwaasi oo ku doodaya in ay safar dheer maalin kasta ay sameeyaan isla markana uu qaali ku yahay qiimaha shidaalka ee hada.

Peder Blohm Bokenhielm oo kamid ah dadka ku nool baadiyaha ayaa joornalka Dagens Nyheter waxa uu u sheegay sidan ” qiimaha shidaalka dartii yaysan nagu qasbin in aan qasab uga soo guurno baadiyaha”

koox guruub ah isla markana taageero ku heesta dhanka Facebooka ayaa dowlada ugu baaqay in ay dhinto qiimaha shidaalka waxayna durbadii heleen dad badan oo taageersan fakarkooda.

Dowlada Sweden ayaana wali sameenin qorsho ay hoos ugu dhigeyso canshuurta ay ka qaado shidaalka si loo helo shidaal qiimahiisa aad u hooseeyo.

Somaliska Stocholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here