Home News in English Lix bilood oo Xabsi ah Qofka kaar la’an (SL) ku gala Gadiidka...

Lix bilood oo Xabsi ah Qofka kaar la’an (SL) ku gala Gadiidka iyo Tareenada la raaco

0

Dalka Sweden gaar ahaan Caasimada Stockholm dad badan ayaa u isticmaala Tareenada iyo Basaska Shirkada SL kuwaasi oo loo isticmaalo kaarka SL-ka oo shirkada leedahay hase yeeshee waxaa jira dad badan oo raaca iyagoo aan heysan wax kaar ah taasi oo ah qayaano xoogan.

Siyaasiyiinta Xisbiga Moderaterna ayaa soo bandhigay Hindise dhigaya in 6 bilood oo xabsi ah lagu xukumo qof kasta oo lagu qabto qayaano isagoo galaya goobaha tareenada laga raaco ama xoog ku galaya basaska iyo gadiidka kale sharcigan ayaana dhaqan galayo hadii uu aqbalo barlamaanka.

Kristoffer Tamson oo kamid ah Xisbiga M ayaa joornaalka SVD u sheegay in la kordhinayo Baaritaanka iyo Waardiyaha goobaha laga raaco Gadiidka taasi oo micnaheeda eheen in la garaaco ama dhibaato loo geesto dhalinyarada ayuu ku sii daray siyaasigan ka tirsan Xisbiga M.

Hindisaha oo horgeenayo Barlamaanka Sweden waxaa durba kasoo horjeestay Xisbiyo ku jira Dowlada waxaana kamid ah Xisbiga vansterpartiet oo qaadacay arinkaasi.

tirada dadka ku raaca Tareenada kaar la’anta ayaa korortay waxana Sanadkii 2017 ay aheyd 3.14 boqolkii halka sanadkii 2018 ay gaartay  3.21 boqolkii.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Expressen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here