Home Wararka Maanta Malmö Qarax ka dhacay Makhaayad ku taalla Xaafada Lilla torg

Malmö Qarax ka dhacay Makhaayad ku taalla Xaafada Lilla torg

0

haben hore ayuu qarax ka dhacay makhaayad ku taal xaafada Lilla torg ee magaalada Malmö.

Boliiska halkaas ayaa sheegay in ay islamarkiiba gacan ku dhigeen laba shakhsi oo lagu tuhmayo in ay dhacdadan ka dambeeyeen.

Ewa-Gun Westford oo arrimaha saxaafada u qaabilsan boliiska Malmö ayaa sheegtay in ay ashkatadani iyaga soo gaadhay saacadu marka ay aheeyd 01.49 habeenimo xalay.

Daaqadaha makhaayada iyo kuwo kale oo u dhowaa ayaa ku jajabay qaraxan. Waxeey sido kale sheegtay Ewa-Gun Westford in aaney ciddi ku dhaawacmin qaraxa.

Isla makhaayadan ayaa bishii abriil sannadkan dab la qabadsiiyay.

-Aqoon fiican ayaan u leenahay gruubyada iyo shakhsiyada mara agagaarka makhaayadan, ayey tidhi Ewa-Gun Westford oo arrimaha saxaafada u qaabilsan booliska Malmö.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here