Home News in English Cabdukadir Salad Cali ” Qaxootiga Waa kuwa Hormarka u keenay Wadamada Yurub”

Cabdukadir Salad Cali ” Qaxootiga Waa kuwa Hormarka u keenay Wadamada Yurub”

0

Cabdukadir Salad Cali oo u sharaxan baarlamanka Yurub ayaa u arka in la gaaray wakhtigii la kordhin lahaa musharaxiinta ajaaniibta ee ka tirsan xildhibaannada baarlamanka Yurub.

Cabdukadir Salad Cali (L) ayaa sheegay inuu jecel yahay inuu dadka ajnabiga u noqdo qof ay ku daydaan taasina ay ku kaliftay inuu isa soo sharaxo si faca ku koraya Sweden u dareemo iney yihiin dad u dhashay dalkan iyo qaaradan.

Cabdukadir Salad Cali (L) ayaa sidoo kale sheegay inuu qaxootigu muhiim u yahay Yurub isla markaana qaxootiga la’aantii aaney Yurub horumar gaari laheyn.

In kasta uu Cabdukadir Salad Cali liiska musharixiinta xisbiga Liberalerna uga jiro booska 43-aad wuxuu haddana sheegay inuu ku hanweyn yahay in dad badani u codbixiyaan taasina ay keento inuu sidaa ku soo galo baarlamanka Yurub.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here