Home Wararka Maanta Ururka LO oo doonaya in Saacadaha Shaqada laga dhigo Lix Saac si...

Ururka LO oo doonaya in Saacadaha Shaqada laga dhigo Lix Saac si dadka shaqo u helaan

0

Saacadaha sideeda ah ee haatan la shaqeeyo waxaa la dhaqangeliyey sannadkii 1919. lakin ururka LO ayaa donaya in lix saacadood waqtiga laga dhigo.

Iyadoo dabaal degyadii socodka ahaa ee maalinta shaqaalaha adduunka ee 1-da mai ay ururka shaqaalaha Norway hal ku dhig ka dhigteen maalintii hala shaqeeyo lix saacadood, sidii ay horeyba u samayn jireen ayey sannadkan ku soo aaday boqol sano guuradii ka soo wareegtay markii la dhaqangeliyey sharciga ah in maalintii qofku shaqeeyo sideed saacadood.

– In sideed saacadood la shaqeeyo maalintii waxay timid 1919. Waqti ka yar intaas in hadda la helo waa dalab dimuqraadi ah iyo hab lagu xaqiijinayo in dad badan ay shaqada ku sii negaadaan waqti dheer, sidaas waxaa ku nuuxnuuxsatay hoggaamiyaha ururka LO ee Oslo Ingunn Gjerstad.

Shaqo fudud waxay ku riixaysaa shaqaalaha in qaar badan waqti dheer sii shaqeeyaan ayuu Gjerstad oo mar kale ra’yigeeda ku bandhigtay:

– Waxaa sidoo kale muhiim ah in waqtiga gaaban lagu qiimeeyo wareega-dad badan ayaa shaqaynaya shaqo buuxda oo maalinteedu gaaban tahay, iyadoo haween badan ay rabaan inay shaqeeyaan shaqo kaamil ah (fulltid)

Soo jeedinta ururka shaqaalaha waxaa kasoo horjeestay ururka loo shaqeeyayaasha ee NHO oo ah kan ugu weyn ee ay ku midaysan yihiin ganacsatadu.

Madaxa qaybta dhaaqaalaha ururkaas Øystein Dørum ayaa yiri:

– Ma awoodno taas. Waxaa naga horeeya waqtiyo adag ee daqli yaraan xagga shidaalka ah, dad badan gaboobaya iyo iyadoo qasnadda dowladda daqligeedu yaraanayo isla markaana qarashku kordhay. Waan rabnaa in tiro badani ku biiraan suuqa shaqada, muddo dheerna shaqeeyaan. Haddii aan jid kale aadno waxaa culaysku ku sii kordhayaa maalgelinta habka daryeelka bulshada.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here