Home Wararka Maanta Stefan Löfven oo ku baaqay Sameynta Sharci looga soo horjeedo Kooxaha Cunsuriyiinta...

Stefan Löfven oo ku baaqay Sameynta Sharci looga soo horjeedo Kooxaha Cunsuriyiinta ee (Nazi)

0

Raisal wasaaraha Sweden Stefan oo ku sugan Magaalada Umeå ayaa shir jaraa’id uu halkaasi ku qabtay kaga hadlay Banaan baxyo ka dhacay halkaasi 1 may kuwaasi oo dhigeen kooxaha Naziyiinta.

Stefan ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in la helo sharci lagu mamnuucayo kooxaha Naziyiinta kuwaasi oo uu ku tilmaamay kuwa duminaya xurnimada Sweden.

” Waan in aan difaacnaa Xurnimadeena waa in aan joojinaa kuwa doonaya in ay dumiyaan xurnimada aan heeso ” Stefan ayaa sidaasi u sheegay warbaahinta.

hadalka Stefan uu ka jeediyay Umeå waxaa dhaleeceeyay xisbiyada kale ee ka dhisan Dalka kuwaasi oo siyaabo kala duwan uga dhiibtay fakarkooda.

eedeynta ugu adag ayaana dhexmartay labada xisbi ee S iyo MD kadib markii Xisbiga S uu sheegay in MD uusan kala shaqeyn kahor taga kooxaha xagjirka ah.

Dalka Sweden ayaa kamid ah wadamada sida aadka looga necebyahay Kooxaha Xagjiriinta kuwaasi oo ku badan Gobolada Qaar ee Wadanka halkaasi oo ka dhigaan rabashado xoogan.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here