Home News in English Maxamed Axmed Cali oo Sabab la’an labo sano ugu xirnaa Xabsiga isagoo...

Maxamed Axmed Cali oo Sabab la’an labo sano ugu xirnaa Xabsiga isagoo Sharci heysan

0

Magangelyo-doon Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Cali oo sabab la’aan u xirnaa muddo 2 sanno ayaa la filayaa in la sii daayo.

Iyagoo wakiil ka ah Maxamed Axmed Cali ayaa waxay Ururka Xorriyadda Maddaniga Maraykanka ee ACLU ee ka shaqeeya inay dhibanayaasha ka difaacaan Maxkamadaha  ayaa la sheegay inay fureen dacwad ka dhan Madaxda Waaxyaha Caddaaladda, Ammaanka Gudaha, Socdaalka iyo Xoojinta Canshuuraha ee dalkaasi iyo kuwo kale.

Dacwadda ayaa lagu sheegay in Muwaadinka Soomaaliga uu iska xiran yahay, iyaado oaan marnaba la dhegeysanin Kiiska loo haysto.

Hay’adda dacwadda u gudbisay ayaa sheegtay inuu Maxamed Axmed Cali iskiisa isaga soo dhiibay  magaalladda San Diego sannadkii 2016-kii, isla markaana la xiray, loona gudbiyey xarumo dadka lagu hayo oo ku yaalla 6 Gobal.

Maxamed Axmed Cali waxa u uka mid ahaa 92 qof oo Soomaali ah oo dacwad ka gudbiyey Dowladda Maraykanka, kadib, markii  lagu jeebadeeyey Kuraasta Diyaarad muddo 2 maalmood ah sannadkii 2017-kii, xilli loo masaafurin lahaa Somalia.

Dacwadaasi ayaana u muuqata mid ay Dowladda Maraykanka laashay, iyadoo Hay’addaha Federalka laga sugayo faahfaahin kiiskaasi iyo xariga Maxamed Axmed Cali

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here