Home Wararka Maanta Sweden Qeybo kamid ah oo Caawa laga mamnuucay Dabshidka Ciida valborg

Sweden Qeybo kamid ah oo Caawa laga mamnuucay Dabshidka Ciida valborg

0

Meelo badan oo ka tirsan dalka ayey mamnuuc ka tahay in dab laga shido caawa oo ku beegan ciidda valborg. Dhulka iyo keymaha qalalan ayaa keenaya khatar sabab u noqon karta inuu dabku sahal ku faafo.

Lars Tapani waa madaxa dabdemiska degmada Umeå.

– Waa hubaal in khatarta jirta sanadkan ka badan tahay middii jirtay sanadihi hore. Sanadkan guga ayaa soo deg degay iyadoo ay meelaha qaar qalalan yihiin, ayuu yiri.

Goobolo iyo degmooyin dalka ka tirsan ayaa laga mamnuucay dab shidka, maadaama laga cabsi qabo khatarta ka iman karta in dabku qabsado keymaha iyo cawska dhulka. Gobalada Kronoberg, Jönköping iyo Östergötland ayaa mamnuucay shiditaanka dabka iyo waliba guud ahaan gobalka Skaraborg. Taasi waxey keeneysaa inaan meelo badan laga shidin dabkii la shidi jiray bisha maajo.

Alexia Hellkvist ayaa ku sugan magaalada Norrköping oo mamnuucday shididda dabka.

– Waan ka xumahay taa maadaama shiditaanka dabku yahay caado balse waan fahmi karaa sababta, ayey tiri.

Lars Tapani, madaxa dabdemiska degmada UmeÃ¥ ayaa sheegay iney muhim tahay in marka hore la eego inta uu le’eg yahay qaleylka dhulka intaan dabka la shidin. Degmada UmeÃ¥ ayaa la ogol yahay shiditaanka dabka.

– Arinta ugu muhimsan waa in laga warhayaa dabka isla markaana uu jiraa qof mas’uul ka ah ilaalada dabka, ayuu yiri.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here