Home News in English Maamulka Iskuulada Al-azhar oo dacwad Culus lagu soo oogay maanta

Maamulka Iskuulada Al-azhar oo dacwad Culus lagu soo oogay maanta

0

Toddoba qof oo xil hoggaan u hayey shirkadda samafalka iskuulka musliminiinta Al-Azhar ee Stockholm ayaa maanta lagu soo oogay dacwo la xiriirta danbi culus oo dhaqaalaha ah.

Gudiga shirkadda ayaa lacag gaareysa 11 milyan oo karoon ka saaray akoonka iskuulka, sida ay xustay hey’adda danbiyada dhaqaalaha la xiriira.

Lacagtaa ayaa badankeedu ahayd mid loogu tala galay waxbarashada degmada iyadoona ay aheyd in loo isticmaalo waxbarasho kaliya.

Dembiga tuhunka laga qabo ayaa la geystay intii u dhexeeysay sannadihii 2015 – 2018.

Toddobadan qof ayaa dhamaantood ka soo horjeestay iney galeen wax danbi ah.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here