Home Wararka Maanta Dhaqaatiirta Ajinabiga Sweden oo labo imtixaan ku helaya Shahaadada dhaqtarnimo (läkarlegitimation)

Dhaqaatiirta Ajinabiga Sweden oo labo imtixaan ku helaya Shahaadada dhaqtarnimo (läkarlegitimation)

0
Doctor in front of a bright background

dhaqaatiir badan oo ku sugan Dalka sweden isla markana kasoo jeeda wadamada caalamka ayaanan heysan Shahaadada dhaqtarnimo ee ( läkarlegitimation ) taasi oo sababeysa in uusan dalka ka shaqeysan karin.

Jaamacada Umeå universitet ayaa bilowday sanadkii 2016 qorsho dhaqaatiirsaasi looga qaadayo imtixaan lagu tijaabinayo aqoontooda si looga caawiyo helitaanka aqoonsiga dalka sweden ee dhaqtarnimo.

Labada imtixaan ee Jaamacada ka qaadeyso ayaa kala ah imtixaan Aragti ah iyo mid kale oo baraatiik ah xiligan oo kaliya 781 qof oo arday ah ayaa laga qaaday imtixaanka aragtida ah halka 214 qof laga qaaday tijaabada baraatikada.

Boqolkiiba 37 ayaa ka gudbay tijaabada teoriiga halka boqolkiiba 86 ay ka gudbeen tijaabada baraatikada.

Magnus Hultin oo ka tirsan Jaamacada ayaa sheegay in imtixaanka uu ahaa mid fudud isla markana loo diyaariyay qaab loo ogaan karo hadii dhaqaatiirtaasi ay ka shaqeen karaan gudaha sweden.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here