Home Wararka Maanta Qof lagu toogtay Magaalada Örebro Fiidnimadii Xalay

Qof lagu toogtay Magaalada Örebro Fiidnimadii Xalay

0

Wararka laga helayo Magaalada Örebro ayaa waxay sheegayaan in xalay fiidkii qof lagu toogtay Halkaasi.

Qofka la toogtay ayaa rasaasta waxay kaga dhacay lugta waxana loo qaaday isbitaalka isagoo dhaawac ah.

Weerarka oo dhacay Fiidnimadii xalay ayaa waxa uu ka dhacay Nawaaxiga Centerka Xaafada Brickebackens iyadoo qofka la toogtay da’diisa lagu sheegay 20 sano jir.

Dad badan oo goobta ka agdhawaa ayaa arkay qofka toogashada geestay kaasi oo goobta ka baxsaday marka uu toogashada geestay kadib lakin Booliska wali kuma guuleysan in ay soo qabtaan qofka toogashada geestay.

Somaliska Örebro

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here