Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo Degmooyinka ku wargalisay imaatinka Caruurta Suuriya ku sugan

Dowlada Sweden oo Degmooyinka ku wargalisay imaatinka Caruurta Suuriya ku sugan

0

Ciidanka nabad sugidda iyo kuwa ammaanka ayaa degmooyinka dalka u gudbiyey warbixin la xiriirta welwel ay ka qabaan caruurta ay dhaleen muwaadiniinta iswiidhishka ee u soo dagaalamay Daacish kuna sugan Suuriya.

Xaafadaha magaalada magaalada Stockholm ayaa iminka isu diyaarineya caruurta dib loogu soo celin karo dalka.

– Waxey wargelin la xiriirta welwelka soo gaartay xaafadaha magaalada, balse waxaa adag sida loo eegayo welwel la xiriira caruur aan wali iman Sweden. Waxeynu iminka ku howlanahay inaan helno xiriir wanaagsan ee hey’adaha daryeelka caafimaad iyo maskaxda si loo helo habki loo maareyn lahaa markey caruurtaasi dalka yimaadaan, sida ay sheegtay  Christina Kiernan, oo ah isku duwaha ka hor tagga faldanbiyeedka xagjirka ee magaalada Stockholm.

Waxey horey ciidamada nabad sugidda iyo kuwa ammaanku la wadaagi jireen laamaha adeegga bulshada degmooyinka keliya warbixinta ku saabsan caruurta ka soo noqotay dalalka Suuriya ama Ciraaq Iminkase waxey bilaabeen wargelinta arrimaha la xiriira welwelka caruurta wali ku sugan goobaha khilaafyadu ka socdaan.

Ciidanka nabad sugidda ee Säpo ayaa ujeeddada arintani ku sheegay iney tahay sidii ay degmooyinku ugu diyaar garoobi lahaayeen caruurta dalka iman karta. Fredrik Hallström, ku xigeenka madaxa waaxda ciidanka nabad sugidda ayaa sheegay iney caruurta ay ka hadlayaan yihiin kuwo dalka horey ugu noolaa iyo kuwa ku dhashay goobaha ay Daacish ka talin jirtay.

– Waxa jirta tiro caruura oo ka tagtay Sweden iyo kuwo ku dhashay goobaha ay Daacish ka talin jirtay. Waxaa kaloo taa sii dheer caruur waalidkood dhintay balse ay waalid kale soo koriyeen, ayuu yiri Fredrik Hallström.

Caruurta iswiidhishka ee ku sugan xeryaha Suuriya ayaa lagu qiyaasaa 80-tameeyo.

Göteborg, Malmö, Örebro iyo degmooyin kale ayaa helay warbixinta ah suurta galka iney halkaa ku soo laabtaan caruur.

Anders Kretz oo ah la taliyaha xarunta ka hortagga xagjirka ee degmooyinka ka taageerta arimahaa ayaa sheegay iney muhim tahay in degmooyinku u diyaar garoobaan caruurtaa soo laaban karta.

– Waxaan aaminsahay iney muhim tahay in loo diyaar garoobo maadaama ay caruuri iman karto todobaad kadib ama laba sano kadib. Wey adag tahay in la ogaado goorta ay iman doonaan, ayuu yiri Anders Kretz.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here