Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo Cadaadis lagu saarayo keenista Caruurta IS ee ku Sugan...

Dowlada Sweden oo Cadaadis lagu saarayo keenista Caruurta IS ee ku Sugan Dalka Suuriya

0

Hey’adda badbaadada dhallaan ee afka iswiidhishka lagu yiraahdo Rädda Barnen ayaa iminka cadaadis hor leh ku saareysa dowladda Sweden arimaha la xiriira caruurta dadka lagu tuhunsan yahay iney u dagaalameen Daacish ee ku sugan xeryaha qaxootiga ee dalka Suuriya.

Rädda Barnen oo maanta warqad ay u dirtay ra’iisal wasaare Stefan Löfven ayaa ku sheegtay in howl-galka dowladdu aad u gaabinayo.

Ola Mattsson, waa madaxa  hey’adda Rädda Barnen ee Sweden.

– Waxaan u aragnaa inaanu mowqifka dowladdu caddeyn isla markaana aad u gaabiyo. Sadax wasiir oo kala duwan ayaa bixiyay fariimo kala duwan in kastoo arimaha caruurtan dowladdu ka war heysay mudo dheer. Waxaa na horyaal arrin dowladda uga baahan iney deg deg wax uga qabato, ayuu Ola Mattsson u sheegay wariyaha Ekot, Karin Runblom.

Caruurta iswiidhishka ee ku sugan xeryaha Suuriya ayaa lagu qiyaasaa 80-tameeyo.

Wasiirada arrimaha dibada Sweden, Margot Wallström, ayaa shalay sheegtay iney howsha caruurta IS tahay mid adag una baahan wakhti iyo iney dowladdu howshaa ku guda jirto, iyadoona dhowaan ay dawladdu jawaab ka bixin doonto.

Rädda Barnen ayaa dowladda ka dooneysa in caruurta la siiyo dokumenti ay ku soo safraan isla markaana waalidka caruurtaa loo ogolaado inay dalka dib ugu soo laabtaan.

Mar kale iyo Ola Mattsson, madaxa Sweden ee hey’adda Rädda Barnen.

– Xuquuqda shakhsi ee caruurta waa xariiqin cas oo aan la dhaafi karin. Ma aha in dowladdu taa ku xadgudubto, ayuu yiri Ola Mattsson.

Wasiirada arrimaha dibada dalkan, Margot Wallström, ayaa Facebookeeda dhowaan ku qortay in caruuraha ay dhaleen muwaadiniinta swedhishka la garab dagaalamay ururka argagaxisada ee Daaceesh, u baahan yihiin in sida dhakhsada ugu badan agu soo celiyo Sweden. Waxeey raacisay in dawladu baadhayso si ay u soo ceshan lahaayeen caruurahan.

-Xaalada ka taagaan dalka Suuriya waa mid adag. Waxaanu xidhiidh dhow la leenahay wadamada jaarkeena si cunto iyo daawooyin loo gaadhsiin lahaa cidda baahi u qabta, waa sida ay Facebokeeda ku qortay wasiirada arrimaha dibada Margot Wallström.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here