Home Wararka Maanta Qof lagu Toogtay Caawa Xaafada Rinkeby ee Caasimada Stockholm

Qof lagu Toogtay Caawa Xaafada Rinkeby ee Caasimada Stockholm

0

Fiidnimadii Caawa ayaa qof lagu toogtay banaanka hore ee Xaafada Rinkeby kaasi oo noqday dhaawac sida ay muujineyso warbixin uu helay joornalka Aftonpladet.

Qofka la dhaawacay ayaa rasaasta kaga dhacday caloosha Eva Nilsson oo ka tirsan booliska ayaa sidan u sheegay warbaahinta

”isaga Waxaa loo qaaday isbitalka taasi waa waxa kaliya aan kuu sheegi karo ”

toogashada ayaa dhacday 20.15 fiidnimo xiliga sweden sida booliska uu sheegay waxana bilowday baaritaan la xiriira falkaasi hadii uu ahaa iskuday dil iyo hadii kale iyadoo goobta uu falka ka dhacay guud ahaan la xiray lamana sheegin qofkaasi dalka uu asal ahaan kasoo jeedo.

Caasimada Dalka sweden gaar ahaan goobaha ay daganyihiin soo galootiga waxaa badanaa ka dhaca falal toogasho ah kuwaasi oo badankooda dhaca xiliga kuleelaha (sommarka) dilalka ayaana u dhaxeya kooxaha gangiska ah.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here