Home News in English Mudada lagu qaato Basaboorka Norway in laga dhigo 5 sano oo Barlamaanka...

Mudada lagu qaato Basaboorka Norway in laga dhigo 5 sano oo Barlamaanka loo gudbiyay.

0

Soo jeedin cusub oo ku aadan sharci ka hadlaya waqtiga baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga dhalashada ayaa baarlamaanka la hordhigay, waxaa lagu wadaa in la hirgeliyo kaarka aqoonsiga oo cusub, isla markaana la casriyeeyo baasaboorka sida ay dowladdu ku sheegtay warsaxaafadeedna khamiistaan ayaa la horgeeyey baarlamaanka.

Sharcigan soo jeedinta ku jira wuxuu tilmaamayaa in ID-kort-ka waqtigiisa jiritaanku uu noqon doono 5 sano, iyadoo sidoo kale qiimayn la gelinayo in baasaboorka isna laga dhigo shan sano ama loo daayo sidii hore 10 sano.

Dhankale wuxuu sharcigaan soo jeedinayaa labo talaabo oo lagu kala dooran siinayo dadka sawirada u gala baasaboorka, kow sawir aanay dheguhu muuqan iyo mid ay dheguhu muuqdaan, taasoo qusaysa dadka isticmaala dharka madaxa deda diin darteed.

– Dheguhu waxay muhiim u yihiin sida faraha la qaado oo kale, waxayna bixinayaan xog muhiim marka si caadi ah loo hubinayo dokumentiyada iyo sawirada horey loo qaaday ee qofka wajigiisa ee ku diiwaangaraysan ama magaciisa ayaa lagu yiri qoraalka horyaalla baarlamaanka.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here