Home Wararka Maanta Emma Carlsson Löfdahl oo ugu baxday Xisbiga Liberalerna edeynta guri ay ninkeda...

Emma Carlsson Löfdahl oo ugu baxday Xisbiga Liberalerna edeynta guri ay ninkeda ka kireysatay.

0

Emma Carlsson Löfdahl (L), ahna xubin ka tirsan baarlamanka ayaa ku dhawaaqday inay ka tagayso xisbiga Liberalerna kadib markii la soo ogaaday iney guri ka kireeysatay ninkeeda iyadoo isticmaaleysa hantida dadweynaha.

Wargeyska Aftonbladet ayaa kashifay todobaad ka hor iney Carlsson Löfdahl ka heleysay baarlamanka lacag gaareysa 8 600 kr bil kasta iyadoo lacagtaasina ku kireeysatay guri uu leeyahay odaygeedu.

Waxa isi soo taraya cadaadiska u imanaya Emma Carlsson Löfdahl ee ah iney is casisho, iyadoona uu cadaadiskii ugu danbeyay uga yimid gudoomiyaha xisbiga Liberalerna, Jan Björklund oo sheegay in inkastoo dhaqanka xildhibaanadu aanu aheyn danbi balse ku sheegay mid aan anshaxa ku wanaagsanayn.

Aroornimada isniinta maanta ayey Emma Carlsson Löfdahl boggeeda facebook-ga ku soo gudbisey iney ka baxeyso xisbiga Liberalerna.

“Anigoo qaba murugo weyn ayaan qorayaa qoraalkan.
Muddo ka badan 30 sannadood ayaan xubin ka ahaa xisbigan anigoo 10-kii sano ee ugu danbeeyeyna ahaa xubin baarlamanka ka tirsan. Waxaan waligey daacad u ahaa xisbiga iyo hogaankiisa waxanan ku kalsoonaa inaan aniguna taageero taa la mida ka helayo xisbiga markaan la kulmo duruuf adag.”

Jimmy Ekström , ku xigeenka gudoomiyaha gobalka Jönköping ee xisbiga  Liberalerna oo xildhibaanadda laga soo doortay ayaa sheegay:

– Waa wax laga xumaado inay sii heysato howsha baarlamanka. Waxey arintani xisbiga ka hor istaageysaa shaqadiisa baarlamanka iyo in qof cusubi xilka gobalka loo hayey la wareego, ayuu yiri Jimmy Ekström, mar uu wareeysi siiyay laanta P1-morgon.

Emma Carlsson Löfdahl ayaa sheegtay iney ku dhaqantay qaanuun saxa iyadoo isla markaana ogolaansho ka heeystay xisbiga iyo maamulka baarlamanka inta aaney sidan u dhaqmin.

Khamiistii ayaa la igu guubaabiyey ayey tiri inaan sida ugu dhaqsaha badan leh u wareejiyo howlaha aan baarlamanka u hayay. Go’aanka noocaa ah uma arko inuu yahay mid ay xirfadi ku dheehan tahay.

Gabagabadii toddobaadka ayaan ka soo fakaray waxa aan ka yeeli lahaa arrintaa anigoona go’aan ku gaaray inaanan iska casilin xubinnimada baarlamanka ilaa iyo inta uu xeer-ilaaliyuhu go’aankiisa baarista soo gabagabeeynayo.

Somaliska Stocholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here