Home Wararka Maanta Maria Wetterstrand oo loo jeediyay dhalaceyn ku aadan shirkad ay saami ku...

Maria Wetterstrand oo loo jeediyay dhalaceyn ku aadan shirkad ay saami ku leedahay.

0

Afhayeenkii hore ee xisbiga Miljöpartiet Maria Wetterstrand ahna baare dowladdu u xilsaartay ayaa dooneysa in khasab laga dhigo in shidaalka diyaaradaha lagu daro  nooca shidaal ee cimilada u wanaagsan ee loo yaqaano biodrivmedel.

Maria Wetterstrand ayaa dhanka kale ka saami ku leh, isla markaana ka tirsan hoggaanka shirkad ay dowladdu taageero dhaqaale ku siisey baaritaanka sidii Sweden looga sameyn lahaa shidaal diyaaradeed ee nooca la cusbooneysiin karo (förnybar). Sida internetka lagu daabacey.

Waxey aheyd isniintii ina dhaaftay goortii ay Maria Wetterstrand, baaraha dowladdu soo bandhigtay hindiseyaal ku aaddan sidii hoos loogu dhigi lahaa dhibaatada bey’adda ee ka timaada shidaalka diyaaradaha. Waxey hindiseheeda ku soo bandhigtay in dhamaan diyaaradaha shidaalka ka qaata garoomada Sweden ey isticmaalaan shidaal uu ku jiro mid la cusboonaysiin karo. Hindisaha ayaa lagu sheegay in taa khasab laga dhigo labo sano kadib  – halka sannadka 2030-kana boqolkiiba 30 shidaalka diyaaradu ahaado mid la cusbooneaysiin karo.

Maria Wetterstrand ayaa xilligaa ay ku howlaneyd baaritaanka haddana xubin ka ahayd hoggaanka shirkadda – Cortus Energy AB – oo gargaar dhaqaale ka heshay hey’adda tamarta ee energimyndigheten, sida uu qoray wargeyska u xagliya dhanka midigta ee Samhällsnytt ee ku soo baxa internetka.

Waxa kaloo la soo gudbiyey in Maria Wetterstrand ay kordhisey saamiga ay ku leedahay shirkadda mudadi ay ku howlaneyd arimaha shidaalka ee ay dowladdu u xilsaartay.

Wakaaladda wararka Ekot ayey u suura geli weyday iney xiriir la sameeyso Maria Wetterstrand balse wargeyska Expressen ayaa sheegay ineysan khalad u arag iney labaddaa kursi mar ku wada fadhido.

Maria Wetterstrand ayey eedeyn uga timid dhowr ka mida xisbiyada dhanka midigta.

Jessica Rosencrantz (M), waa ku xigeenka labaad ee gudi hoosaadka baarlamanka ee bey’adda iyo beeraha.

– Waa wax laga xumaado inaan iminka ka doodno saamiga ay shirkadda ku leedahay Maria Wetterstrand halkii aannu ka wada hadli laheyn shidaalka diyaaradaha sidii wax looga hadli lahaa. Waa wax laga xumaado in lagu dhaqaaqo arin shaki gelin kara baaritaanka, ayey tiri Jessica Rosencrantz.

Lena Ingvarsson oo ah madaxa dhanka sharciga ee wasaaradda bey’ada iyo tamarta ayaa Ekot u soo qortay:

”Wasaaradda bey’ada iyo tamartu way ka warheysay iney Maria  Wetterstrand xubin ka tahay hoggaanka shirkadda Cortus Energy balse wasaaraddu uma aragto in arintaasi dhibaato keeni karto.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here