Home News in English Maxkamadaha Faransiiska oo Sharciyada siiyay dadkii diidmada ka helay laanta socdaalka.

Maxkamadaha Faransiiska oo Sharciyada siiyay dadkii diidmada ka helay laanta socdaalka.

0

Hay’ada laanta socdaalka dalka Faransa oo qaabishay qaxooti badan ayaa badankooda siisay Sharciyada lakin qaarkood ayaa helay diidmo kadib markii ay yeesheen faro wadamo kale ah halka kuwa kale ee dalka iska dhiibay qaarkood ay qaldeen goobta ay isku dhiibeen iyo dhibaatada ay kasoo carareen.

Go’anka laanta socdaalka kadib qofka diidmada helay ayaa codsi kale u gudbiya maxkamada si uu u helo ogolaanshaha sharciga dalka waxana maxkamadaha badankooda ay sharciyada siiyeen dadka heestay diidmada taasi ayaa ah fursad kale oo ay heestaan dadka ku sugan dalka.

Maxamed Siciid waa wiil somali ah oo ku sugan Dalka Faransa isagoo heesta faro dal kale ah ayuu dowlada faransiiska ka haley cafin faraha (dublinka) waxana uu hada sugayaa wareysigiisa warbaahinta Somaliska.com ayuu u sheegay in uu la kulmay dad badan oo heestay diidmo lakin sharciga ka helay maxkamada sare ee Dalka.

dowlada faransiiska ayaa qaabileysa qaxootiga iska dhiibay dalalka kale iyo kuwa kale ee dalkaasi toos u gaaray waxana websiteka laanta socdaalka faransiiska lagu daabacay dhiirogalin ku aadan is dhexgalka qaxootiga cusub ee dalka soo gaaray si bulshada ula qabsadaan.

Sharciyada uu bixiyo dalka.

Sharciyada daganaanshaha ee dalka uu bixiyo ayaa kala ah sanado kala duwan waxaa ugu badan 10 sano oo sharci daganaansho ah halka dadka qaar ay heleen sharci 1 sano ah iyadoo kadib loo cusbooneysiinayo marka uu ka dhaco.

Dalalka Faransa iyo Germalka ayaa ah labo dal oo qaxootiga Caalamka gaar ahaan kuwa Somaliya aanan ku xujenin sharuudo adag halka kuwa kale ee Yurub ay aad ugu adkeeyaan qaxootiga somaliya iyo kuwa kale.

wixii ku soo kordha lasoco

Somaliska Paris

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here