Home Wararka Maanta Hibo oo dowlada Sweden ka codsatay in ayada iyo cunugeeda dib ugu...

Hibo oo dowlada Sweden ka codsatay in ayada iyo cunugeeda dib ugu soo laabtan Dalka.

2

Hibo oo ah gabar somaliyed isla markana ka tagtay dalka sweden mudo laga joogo 3 sano ayaa hada dowlada sweden ka dalbaneysa in loo ogolaado sidii ay dib ugu soo laaban laheyd wadanka iyada iyo wiil yar oo ay ku dhashay dalka suuriya kaasi oo hada jir 1 sano.

iyadoo ku sugan xero loogu tala galay dadka barakacayaasha ee ku taalla waqooyiga bari ee dalka suuriya ayay sheegtay in dowlada sweden ka codsaneyso aqbalaada codsigeeda iyadoo ka sheekeysay sidii ay sweden uga tagtay iyo waxa ku kalifay xiligaasi ayay uga warantay joornalka Expressen.

” 5 tii subaxnimo ayaa kasoo kalahay gurigeega qofna ma ogeen waxaan mooday in wax wanaagsan tahay ku hoos noolaashaha kooxda Daacish ” yay ku tiri wariyaha ka socday joornalka Expressen.

xiliga ay waresyiga bixineysay waxaa ka hoos oonayay wiil yar oo 1 sano jir ah kaasi oo u baahnaa caano sida ay sheegtay waxana dhinac socday dabeyl xoogan madama lagu guda jiray xiliga roobka ee dalka suuriya.

codsiga Hiba ayaa ku soo aadaya iyadoo wadamo badan oo caalamka ay ka shirayaan xubnaha kooxda daacish ee ka tagay caalamka sidii looga ceshan lahaa dhalashada wadamada ay kasoo jeedan taasi oo lagu kala aragti duwan yahay dalka sweden ayaa kamidah wadamada doonaya in sharciga laga ceshto dadkaasi oo dhibaato u keeni kara dalkooda.

Somaliska Malmö

Xigasho/Expressen

AD

2 COMMENTS

  1. Ani waxan qawa in lo ogolayo walow ay aragtay nolosha ay ku jirtay iyo mida ay kuso aragtay suriya waxayna tusalo u tahay ciyalka aminsan argagaxisa dhibkoda thnks

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here