Home Wararka Norway Norway oo sheegtay in hoos u dhacday tirada dadka isguursaday ee dalkeeda.

Norway oo sheegtay in hoos u dhacday tirada dadka isguursaday ee dalkeeda.

0

Dowlada norway ayaa soo saartay tiro koob ku aadan dadka isguursaday sanadkii hore kadib markii ay hay’ada Xog aruurinta dalka SSB ay soo bandhigtay tiro koob ku aadan dadka isguursaday.

tirakoobka SSB ayaa lagu sheegay in sanadkii hore ay isguursadeen 20,249 kun oo lamaane ah taasi oo ka hooseesa tirada la diiwangaliyay sanadkii 2017 dadkaasi ayaana ah kuwa isku guursaday sida sharciga ah ee dalka u yaalla.

Dowlada ayaa dhanka kale soo bandhigtay tirada dadka is furay oo lagu sheegay 9559 halka iyadoo sidoo kale 10.630 lamaane ay kala guureen.

norway ayaa dhoor jeer soo bandhigtay in muwaadiniinta dalka ay dhalaan caruur badan madama ay hoos u dhacday tirada caruurta ee dalkaasi ku soo kordha.

Xigasho/SSB

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here