Home Wararka Maanta Basaboorka Sweden oo lagu sheegay mid aad loogu isticmaalo suuqa madow.

Basaboorka Sweden oo lagu sheegay mid aad loogu isticmaalo suuqa madow.

0

Basaboorada dalkan ayaa aad looga xiiseeya suuqa madow. Waxaa xitaa jira dad basabooradooda siiya qarabadooda si ay u isticmaalaan.

Sidaas daraadeed ayaa sannad walba tiro dhaafsiisan dhowr iyo toban kun oo baasboor la xannibaa. Sannadkii hore oo keliya ayaa la kansal-gareeyay 63 501 basaboor, waa tiro 700 oo ka badan marka loo barbardhigo sannadkii ka horeeyay 2017.

Emelie Lindvall oo boliiska u qaabilsan arrimahan ayaa sheegtay in kor u kacani xidhiidh la yeelan karo sharcigii cusbaa ee sannadkii 2016 bilaabmay. midkaasina oo odhanayay inuu shakhsi walba xaq u leeyahay inuu qaato saddex baasaboor muddo shan sannadood gudahood ah, tusaale ahaan haddii uu ka lumo.

Sidoo kale ayuu boliisku qalab cusub bilaabay inuu u isticmaalo oo u fududeeynayaa xannibaada basaboorada dadka xabsiga lagu xukumo muddo sannad ka badan.

Intii aan la bilaabin sharcigan 2016-kii xad noocan oo kale ma jirin. Intii u dhaxeeysay 2009 ilaa 2013 1441 qof ayaa la siiyay basaboor cusub in shan jeer ka badan. Qaar ka mid ah kuwan ayaa 18 basaboor la siiyey midkiiba.

Hasayeeshe baadhitaan dawlada loo gudbiyay 2015 ayaa lagu caddeeyay in dadkan aan lagu tuhunsaneeyn wax dembi ah iyo in aaney si khaldan u isticmaalin nidaamka u yaala dalkan.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here