Home Wararka Maanta Wasirka arimaha dibada Somaliya oo Sweden ka codsaday aqoonsiga dekumintiga Somaliya

Wasirka arimaha dibada Somaliya oo Sweden ka codsaday aqoonsiga dekumintiga Somaliya

0

Ahmed Isse Awad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo Iswiidhan booqasho gaaban ku yimid si uu ula kulmo wasiiradda arrimaha dibada dalkan, Margot Wallström, ururo soomaaliyeed iyo heeyada deeqbixinta Sweden u qaabilsan ee loo yaqaano SIDA.

Waxyaabaha uu wasiirku kala hadlay Wallström waxaa ka mid ahaa in dokumentiga Soomaaliya  ee aan ilaa 1991 waddankan laga aqoonsanayn, taas oo dhibaatooyin badan ku soo kordhisay dadka ka soo jeeda Soomaaliya.

Tusaale-ahaan, soddoonkii sannadood ee ugu dambeeyey ayey Soomaaliya iyo dilalka ka dhaca mararka qaarkood saameeyn toos ah ku yeeshaaan bulshada Soomaalida reer Sweden. Dhibaatooyin la xidhiidha in aan la aqoonsan geeridiisa shakhsi dalkan ka tagay oo safar u aaday Soomaaliya, dabadeedna halkaa ku geeriyooday in geeri loo diiwaan geliyo, madama aan dokumeentiga Soomaaliya halkan laga aqoonsaneeyn.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Ahmed Isse Awad:

-Waan kala hadlay Wallström, waana ii ballan qaaday in ay aad u fiirin doonan arrinkaas, ayuu sheegay.

Waxaan sido kale weeydiiney wasiirka in ay Soomaaliya diyaar u tahay in ay qaabisho Soomaalida Iswiidhan sharci ka dalbada balse diidmada ku helay.

-Khasab Soomaaliya mar walba waa u diyaar in ay qaabisho muwaadiniintooda meel walba oo ay aduunka ka joogaan. Sweden iyadaa xor u ah cidda ay wadankeeda sharci ka siinayso, iyo kuwa aanay ka siin, ayuu sheegay.

Wasiirka ayaa inta uu dalkan joogay la kulmay dhowr ururo Iswiidhish-Soomaali iyo ganacacsato. Hadaba qiimahee ayey qurbajoogtu ugu fadhidaa dhaqaalaha Soomaaliya?

-Qiimo weyn ayey ugu fadhiyaan, hadii la is barbardhigo lacagta naga soo gasha soomaalida qurbaha ku nool iyo ururada deeqbixiyaasha waxaa badan inta nooga timaada soomaalida dibadaha ku dhaqan, ayuu yidhi.

Soomaaliya Iswiidhan safiir kuma leh. Safiirkii hore ee la magacaabay sannadkii 2017 sababta dib looga ceshaday dalkan sidan ayuu wasiirku ku macneeyay.

-Shaqo kale ayaa loo magacaabay, waxaan rajeeynayaa in sida ugu dhakhsaha badan mid cusub aan ugu soo magacawno. Waa sida uu hadalka u dhigay wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Ahmed Isse Awad.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here