Home Wararka Maanta Norway Dowalada oo ka jawaabtay in qaxootiga laga joojiyo dagista Caasimada Oslo.

Norway Dowalada oo ka jawaabtay in qaxootiga laga joojiyo dagista Caasimada Oslo.

0
Ma fiicna in qaxootiga lagu soo rogo inaysan degi karin Oslo sidaas waxaa ku dhawaaqday wasaaradda isdhexgalka.

Dowladda Norway ayaa sheegtay in aysan ahayn arrin haboon in qaxootiga laga horjoogsado inay degaan caasimadda dalkan ee Oslo taasoo maalmahan la hadal hayey.

– Ma haboona taasi, waa in ay Oslo mas’uuliyadda ka qaadato qaybteeda. Arrintu waxay xiriir la leedahay qorshaha qibrad dhiska ayuu yiri Sanner wasiirka arrimaha isdhexgalka oo u waramayey NTB.

Arrintani waxay timid iyadoo maalmahan la hadlayey in si ku meel gaar ah loo joojin doono in qaxootigu degaansadaan magaalada caasimadda ah ee Oslo.

– Oslo waxay qibrad u leedahay deegaansiinta iyo isdhexgalka. Haddii si dhamaystiran loo joojiyo in la dejiyo Oslo waxay taasi noqonaysaa in aan luminayno qibrada aan uga baahnayn waxka qabashada iyo u diyaargarowga, tusaale ahaan haddii ay dhacdo dhibaato cusub oo ku saabsan qaxootiga ayuu yiri wasiirku.

Waaxda isdhexgalka iyo kala duwanaanta ayaa sannadkan 2019 codsatay in 250 qof qaxooti ah la dejiyo dowlad deegaanka Oslo.

– Mar hore ayaaba loo qorsheeyey in dad yar la dejiyo Oslo, waan dejinay qorshaha xulashada siyaasada dejinta. Waxay arrintu xambaarsan tahay in qaxootiga loo dejin doono si faafsan ee dalka oo dhan ayuu yiri Sanner.

Somaliska Oslo

Xigasho/nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here