Home Wararka Maanta Baaris lagu soo bandhigay isbadalka lagu sameenayo Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen.

Baaris lagu soo bandhigay isbadalka lagu sameenayo Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen.

0

Waa in la kala qeeybiyo howlaha xafiiska shaqada, si dhaqaale loo keeydiyo. Waxey ka mid yihiin talooyinka ku xusan baarista siyaasadda suuqa shaqada ee maanta la soo bandhigi doono.

Inkasta oo aanu baaruhu ku raacsanayn qorshaha ay dawladdu ka damacsan tahay howlaha xafiiska shaqada iyo in howlaha shaqa raadinta loo xilsaaro shirkado madax bannaan.

– U maleeyn maayo inay tahay dhabbada ugu wanaagsan. Maadaama aannu baaristan ku eegney qaabab kala duwan ee loo howl geli karo, sida ay sheegtay baare Cecilia Fahlberg.

Maxaanay u ahayn dhabbada ugu wanaagsan ayaa ahayd su’aal uu weeydiiyay Anders Jelmin, oo ka howlgala laanta wararka ekot?
– Markaa lama sameeyn qiimeeynta ah in howlahan loo qabto dhanka ugu wanaagsan ee dhaqaalaha bulshadu loogu aaneeyneyo, waana mid loo baahan yahay in la eego, sida ay sheegtay Cecilia Fahlberg.

Natiijada baarista oo la filayo in saaka la soo bandhigo ayaa ka hor imaneeysa heshiiskii ey afarta xisbi ku wada gaareen sidii dawlad lagu soo dhisi lahaa ee oranaya in dhamaan howlaha xafiiska shaqada ee shaqa raadinta lagu wareejiyo shirkado madax bannaan, halka howlaha xafiiska shaqadana lagu soo koobo dul kala socodka shirkadaha iyo dadyoowga shaqada doonaya.

Inta cilmi baarisyada iminka lagu ogsoon yahay ma jiraan caddeeymmo oranaya in shirkadaha madaxa banaani kaga natiijo wanaagsan yihiin howlahaa kuwa howlwadeennada dawladda, iyadoona ay dhici karto in mustaqbalka uu kharashku kaga bato.

Iyadoona ay baaraha dawladda Cecilia Fahlberg soo jeedisay in la kala qeeybiyo howlaha xafiiska shaqada. Qayb ku howlgasha dulsocodka iyo qayb ku howlgasha socodsiinta howlaha. Halka meel kale la saaro ciddii taakuleeyn lahayd dadyoowga shaqa-doonka, waana habka ugu wanaagsan ee lagu maareeyn karo dhaqaalaha bulshada. In si isku mid ah loola macaamilo shirkadaha mulkida loo leeyahay iyo xafiiska shaqada.

Baarista ayaa sidoo kale soo jeedinaysa in si tartiib tartiib ah hoos loogu dhigo miisaaniyadda xafiiska shaqada, iyadoona laga bilaabo sannadka 2020 la dhowri karo sannadkii 1,5 bilyan ee koronka iswiidhishka iyada oo la isticmaalayo nidaamka adeegyada dijitaalka.

Baarista ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay fikirka ah in la abuuro heeyad hor leh oo howsheedu tahay sidii ay uga kaafiyi lahayd dhanka xirfadda. Waxaa halka laga hirgelinayaa qiimeeyn shakhsiyan ah ee suuqa shaqada iyo baahida uu shakhsigu u qabo in laga caawiyo.

Waa howl ku wajahan sidii loo qalabeeyn lahaa dadyoowga suuqa shaqada ka maqnaa muddo dheer, iyo in magaca laga bedelo xafiiska shaqada, sida ay sheegtay Cecilia Fahlberg.

– Waxaannu soo jeediney hayadda suuqa shaqada, halka uu magaca Arbetsförmedlingen uu horseedayo dhabbo/fikir aan dhab ahayn.

Miyaanay ahayn inuu xafiiska shaqadu sameeyo shaqo xidhiidhin? 

– Xafiiska shaqadu ma xidhiidhiyo shaqo ee howshiisu waxay tahay inuu qalabeeyo dadka shaqada doonaya sidii ey ugu soo dhowaan lahaayeen suuqa shaqada.

Natiijada baarista la soo bandhigeyo saaka iyo heshiiskii afarta xisbi ee S, MP, C iyo L ayaa ka mideeysan in loo baahan yahay is bedel lagu sameeyo xafiiska shaqada, hase yeeshee ku kala duwan nooca isbedelka.

Somaliska Gotenborg

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here