Home Wararka Maanta Transportstyrelsen Dadka ugu Badan oo laga Ceshtay Sharciga lagu kaxeeyo Gawaarida ee...

Transportstyrelsen Dadka ugu Badan oo laga Ceshtay Sharciga lagu kaxeeyo Gawaarida ee ( körkort-ka ).

0

Waxaa kor u kacay tirada dadka dib loogala laabtay badantaha ama leesinka ”körkort” sanadkii lasoo dhaafay ee 2018.

Ilaa iyo 34 kun oo darawal ayaa lagala noqday kaarka wadida gawaarida sanadkii hore taasi oo ka badan tii sanadkii kasii horeeyay.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Gaadiidka, Jonas Bjelfvenstam ayaa sheegay in kiisaska intooda badan ay ahaayeen waxa loogu yeero jebinta leesinka.

– Sababta ugu weyn ee loo jabiyo leesinka waa in xad-gudub xoog leh lagu sameeyo sharciyada waddooyinka. Taasi oo waxa ugu horeyay ay tahay jabinta xawaaraha oo ah in gaariga xoog loo wado.

Marka laga yimaado jabinta sharciga xawaaraha wadooyinka, ayuu sidoo kale Jonas Bjelfvenstam agaasimaha guud ee hay’ada gaadiidka sheegay in kala bar qaladadaadka ugu badan ee kale ay ka mid yihiin in la dhaafo nalka cas ee samaafaraha iyo in lagu hadlo telfoonka iyadoo gaari la wado.

Tirada darawalada laga jebiyay leesinka ayaa u muuqata mid sanadkii 2018 kor u kacday 6 boqolkiiba marka loo barbar dhigo sanadkii ka horeeyay ee 2017.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Gaadiidka wuxuu intaasi ku daray in aysan caddayn sababta ka dambeysa kororka arintaan balse tirakoobyada ay sameeyeen ay muujinayaan koboca arintaan oo uu sheegay mid halis ah

–  Tani waxay horseedeeysaa saameyn ay ku yeelato tirakoobka shilalka, oo aan horay u aragney sannadkii 2017. Run ahaantiina sababaha ka dambeeyay ma wada cada, ayuu yiri Jonas Bjelfvenstam.

Dhalinyarada wiilasha ayaa ugu badan kuwa ku kaca khaladaadkaan sida ku cad tirakoobyada hay’ada gaadiidka oo kordhisay qeylo dhaanteeda ku aadan halista faldambiyeedyada gawaarida.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here