Home Wararka Maanta Norway oo kordhisay kana dhigtay 80,140 Nok Lacagta la siiyo Hooyada ee...

Norway oo kordhisay kana dhigtay 80,140 Nok Lacagta la siiyo Hooyada ee Xiliga dhalmada.

0

Dowlada Norway oo markaan dhiiro galin xoogan ku heysa waalida ku nool Norway ayaa kordhisay lacagta loogu tala galay hooyo kasta xiliga ay dhasho iyadoo la gaarsiiyay 80,140 koron iyadoo lagu kordhiyay 20,000 kun nok halka markii hore ay ka aheyd 60,140 Nok.

Sanadkan cusub ee 2019 ayaa isbadal xoogan waxaa lagu sameeyay xeerarka quseeya waalidka iyadoo la eegayo isbadalka miisaaniyada ee Dowlada waxana la kordhiyay lacagta caawinaada caruurta iyadoo laga dhigay horay waxay u aheyd NOK 1130 halka maanta laga dhigay NOK 1150.

lacagta faa.idada caruurta ee loo yaqaano ( Barnetrygd )ayaa horay u aheyd NOK 970 waxaa laga dhigay NOK 1054 canug kasta bishii taasi oo ah isbadalka cusub lakin waxa uu bilaabanayaa bisha march ee nagu soo wajahan.

dhanka kale hooyooyinka ama Aabooyinka kaliga ah tusaale hooyo iyo aabo kala tagay lacagta lagu caawiyo ee caruurtooda ayaa isbadal lagu sameeyay waxaana kamid ah sidan.

  • Tiltakspenger, lav sats: Fra 271 kr til 279 kr
  • Tiltakspenger, høy sats: Fra 375 kr til 386 kr
  • Barnetillegg: Fra 45 kr til 46 kr

Dowlada Norway ayaa aad u dhiiro galisa Hooyooyinka ku noolka Dalkaasi iyadoo Raisal wasaaraha Dalka uu labo jeer ka codsaday Shacabka Norway in caruur badan dhalaan.

Somaliska Oslo

Xigasho/NAV

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here