Home Wararka Maanta Wasiirad ka tirsan Wasiirada Cusub ee Sweden oo durba la kulantay dhaleeceyn...

Wasiirad ka tirsan Wasiirada Cusub ee Sweden oo durba la kulantay dhaleeceyn xoogan.

0

Amanda Lind (MP), wasiirka cusub ee dhaqanka, ciyaaraha iyo dimuqraadiyadda ayey dhaleeceyn uga timid siyaasiyiin uu ka mid yahay, hoggaamiyaha xisbiga Liberalerna Jan Björklund.

Dhaleeceynta ayaa salka ku heysa kadib markii Lind iyadoo isticmaaleysa aalladda social media-ha ay geesi ugu yeertay Mehmet Kaplan oo horey xil wasiirnimo uga soo qabtay xisbiga Miljöpartiet dawladdii Stefan Löfven. Mehmet Kaplan (MP) ayaa ku khasbanaaday inuu xilka isaga dego kadib markii lagu helay inuu xiriir la leeyahay wakiillo metela ururo xagjir ah.

Amanda Lind oo u warantay Telefishanka Nyhetsmorgon ee TV4 ayaa mar kale micneysay waxa ay ula jeeday qoraalka ay soo dhigtay social media-ha iyadoo caddeysay meesha ay ka taagan tahay Mehmet Kaplan.

– Wuu gafay wuuna is casiley. Wuxuu u dhaqmay si sax ah. Aragtideydu waxey aheyd sidaa iminkana waxba iskama beddelin, ayey tiri Amanda Lind.

Amanda Lind oo sii faah-faahisey sababta ay qoraalkan lagu eedeeyey ay u soo dhigtay shaashadda social media-ha.

– Kaplan wuxuu qeyb ka yahay taariikhdeedna, waxeyna ujeedadeydu aheyd inaan taa muujiyo, ayey tiri Lind.

Somaliska Stockhom

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here