Home Wararka Maanta Xafiiska Arbetsförmedlingen oo joojiyay Mid kamid ah Qaababka Shaqada lagu helo.

Xafiiska Arbetsförmedlingen oo joojiyay Mid kamid ah Qaababka Shaqada lagu helo.

0

Xafiiska Shaqada Dalka sweden ayaa joojiyay mid kamid ah Qaababka ugu fudud ay shaqooyinka ku helaan Qaxootiga ku sugan Wadanka sweden kadib markii Barlamaanka uu saxiixay miisaaniyada Cusub ee Dowlada oo isbadal badan lagu sameeyay sida muuqata.

Xafiiska Shaqada ayaa joojiyay Adeega (extratjänster) Shaqooyinka dheeraadka kaasi oo dad badan shaqo ku heleen iyadoo shaqooyinka ugu badan laga helo kamuunada Dowlada iyo adeega kale ee  (beredskapsjobb) ama shaqooyinka deg dega ah madama Dowlada ay dooneyso in lacag gaareysa SEK 4,500 million laga seefgareyo dhanka Xafiiska shaqada.

Madaxa Agaasinka Xafiiska Shaqada Mikael Sjöberg ayaa sheegay in aysan sii wadi karin labadaasi shaqo ama adeeg oo dad badan ka faa’ideesteen isagoo intaasi ku daray in ay diirada saarayaan dadka leh xirfada ee so shaqeeyay iyo dadk kale ee waxbartay.

dhamaadka bishii November waxaa shaqo ku helay adeegaan 17,820 kun halka  2,381 kun ay shaqo ku heleen Adeega kale ee (beredskapsjobb).

ugu danbeyn Somali badan ayaa u fahmay in la joojiyay adeega lagu caawiyo qofka shaqada bilaabaya kaasi oo xafiiska shaqada uu ka bixiyo boqolkiiba 80% lakin adeegaasi wali wuu jiraa mana jiro isbadal lagu sameeyay.

Somaliska Stocholm

Xigasho/Xafiiska Shaqada

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here