Home News in English Qaxooti ku Xayirnaa 3 isbuuc Markab dushiisa oo Wadamada Yurub loo qeebiyay.

Qaxooti ku Xayirnaa 3 isbuuc Markab dushiisa oo Wadamada Yurub loo qeebiyay.

0

Qaxooti kor u dhaafaya 49 qof isla markana ku xayirnaa Bada Mediterranean ayaa ugu danbeyn loo ogolaaday in laga soo dajiyo Markabka ay saarnaayeen kadib markii ay heshiis gaareen wadamada Yurub qaarkood.

Qaxootiga ayaa ku xirtay Malta halkaasi oo ku xanibnaayeen mudo sadax isbuuc kadib markii ay dowladaasi ay diiday in wadankeeda gudaha  u soo galaan waxana Maalinta Arbacada heshiis laga gaaray Murankaasi.

Wadamada Germany, France, Portugal,
Ireland, Romania, Luxembourg,
Netherlands iyo Italy ayaa kamid ah wadamada qeebsaday Qaxootigaasi oo africa kasoojeeda.

Dalalka Taliyaaniga iyo Malto ayaa diiday in Qaxootiga ay gudaha u soo galaan ilaa wadamada Yurub ka qeebsadaan Qaxootigaasi oo kasoo tagay Qaarada Africa.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here