Home Wararka Maanta Xisbiyada Krf iyo Frp oo ogolaaday Wada-hadalka Dowlada Norway iyagoo dalbaday adkeynta...

Xisbiyada Krf iyo Frp oo ogolaaday Wada-hadalka Dowlada Norway iyagoo dalbaday adkeynta Qaxootiga.

0

labada Xisbi ee kala ah Krp iyo Frp ayaa aqbalay wada hadal dowlada norway lala galo kaasi oo salka ku haya heshiis laga gaaro khilaafka taagan.

Xisbiga Frp ayaa wata labo qorsho oo salka ku haya heshiiska uu dowlada la galayo waxana kamid ah adkeynta Qaxootiga Norway iyo cadaadiska dhanka canshuurta.

Hogaamiyaha xisbigaasi Siv Jensen ayaa ku celisay in uu adkaanayo wada hadalka lakin isku dayidoonaan iyadoo intaasi ku dartay in wada-hadalka uu yahay mid muhiim ah.

ugu danbeyn ayay sheegtay in xisbiyada kale ee bidixda iyo KrF ay muhiim u yihiin wada-hadalka.

Dhanka kale Xisbiga KrF ayaa dhankiisa waxa uu aqbalay wada-hadalka dowlada lala galayo hogaamiyaha xisbigaasi Knut Arild Hareide ayaa warbaahinta ka gaabsaday in uu sharaxaad ka seeyo waxa uu wada-hadalka ku soo gudbinayo.

Lasoco Waxyaabaha ku soo kordha wada-hadalkaasi oo sanadkan Cusub la filayo

Somaliska Oslo

Xigasho/Aftenposten

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here