Home News in English Dhoor Toogashooyin oo ka dhacay Magaaloyinka Uppsala, Götenborg, Stockholm iyo Malmö.

Dhoor Toogashooyin oo ka dhacay Magaaloyinka Uppsala, Götenborg, Stockholm iyo Malmö.

0

dhoor toogasho ayaa ka dhacay dhamaadka isbuucan wadanka sweden kuwaasi oo dad badan lagu dhaawacay weerarkaasi.

Uppsala

Magaalada Uppsala waxaa ka dhacay toogasho loo geestay labo qof kuwaasi oo si xun loo dhaawacay mid kamid ah ayaana u dhintay weerarka kadib markii la dhigay isbitaalka.

Booliska ayaa toogashadaasi u xiran 17 sano jir looga shakisan yahay in uu weerarka ka danbeeyay.

Götenborg.

Ku Dhawaad 8 ruux ayaa lagu dhaawacay magaalada Götenborg gaar ahaan Nawaaxiga Mölnlycke oo dhibaatada ka dhacday.

Sida uu booliska sheegay toogashada ayaa timid kadib markii labo nin oo gangis ah ay isdhaafsadeen rasaas kala duwan taasi oo keentay dhaawaca 8 ruux.

ku dhawaad 11 Qof ayaa loo xiray weerarka kuwaasi oo looga shakisan yahay in ay ka qeyb qaateen dhibaatada.

Malmö

Magaalada Malmo ee caasimada sadaxaad ee Dalka Sweden waxaa lagu dhaawacay tagsiile (taxiförare).

Tagsiilaha ayaana la toogtay xili uu fadhiyay gaarigiisa dhexdiisa waana markii ugu horeesay uu dhaco weerar nuucaasi ah.

Stockholm

Meelaha ay ka dhaceen toogashada waxaa kamid ah Caasimada Stockholm waxana lagu toogtay labo qof falkaasi ayaa ka dhacay Xaafada Hagsätra.

Booliska ayaa weerarka uga shakiyay labo qof oo goobta uga baxday mooto xiliga uu dhacay weerarka kadib.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here