Home Wararka Maanta Afayeenka Barlamaanka Sweden Andreas Norlén oo shir Jaraa.id Qabtay kana Hadlay Tilaabada...

Afayeenka Barlamaanka Sweden Andreas Norlén oo shir Jaraa.id Qabtay kana Hadlay Tilaabada Xigta.

0

kadib markii Hogaamiyaha Xisbiga Socialdemokraterna Stefan Löfven uu ku dhawaaqay in uusan soo dhisi karin Dowlad Cusub ayaa ku dhawaaqista kadib waxaa shir jaraa.id qabtay Afayeenka Barlamaanka.

Afayeenka Barlamaanka Sweden Andreas Norlén ayaa ugu horeen diiday in xisbi kale uu isku dayo dhismaha Dowlad Cusub oo taageero ka heleysa Barlamaanka.

Waxa uu sheegay in iskudaygaasi ay ku fashilmeen ku dhawaad Labo xisbi isla markana hada ay tahay xiligii la raadin lahaa xal kale.

Andreas Norlén ayaa sheegay in Xalka xiligan taagan uu yahay in Xisbiyada gooni gooni ula kulmo si loo helo xisbiyo kala duwan kuwaasi oo diyaar u ah dhismaha dowlada cusub.

si loo helo Xisbiyadaasi ayuu sheegay in Xisbiyada uu casuumaad u sameendoono isla markana kulamo la qaadandoono.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here